Jilayaasha ka tirsan Bollywood-ka ee Saif Ali Khan iyo Tabu ayaa ku dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee tiyaarada dalka Hindiya la soo saari doono filimka ay soo wadaan ee Jaaneman.
Filimka uu doorka aabanimo ku jili doono Saif Ali Khan ayaa kamida filimaanta ugu xiisaha badan ee aad looga sugayo in uu soo baxo guud ahaan dalka Hindiya,isagoo ku dhawaaqay markan taariikhda filimkaasi uu soo baxayo.
Saif Ali Khan iyo Tabu ayaa filinkooda Jawaani Jaaneman waxay horay u shaaciyeen in uu soo bixi doono 29-ka bishan November balse markale ayaa dib lo dhigay waxaana tiyaarada Hindiya filimkaasi la saari doonaa todobada bisha labaad ee sanadka cusub.
Filimkan cusub ee Jawaani Jaaneman ayaa waxaa ka soo muuqan doona Saif Ali Khan,Tabu iyo gabadha ay dhashay Pooja Bedi ee Alaia oo filimkeedii koowaad ee Bollywood kasoo muuqan doonta.