Maalinta berito ah ayaa xarunta Wadnaha Fm ee magaalada Muqdisho waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona wareegii labaad ee tartanka heesaha iyo hibada jiilka cusub.
Tartamayaasha ku loolami doona wareega labaad ee tartanka heesaha ayaa mudo todobaad soo qaatay tababar ay aad uga faa’ideysteen oo ku saabsanaa dhinacyo badan oo fanka ah.
Guud ahaan tartamayaasha u soo gudbay wareega labaad ayaa loo kala saari doonaa sadex kood oo sadex maalmood oo kala ah Khamiista,Jimcaha iyo Sabtida tartami doona.
Hadaba wareega labaad ee tartanka heesaha iyo hibada jiilka cusub oo maalinta berito furmi doona ayaa la filayaa in uu ka xiiso badnaado wareegii koowaad ee laga soo gudbay.