Galinka danbe ee maanta ayaa waxaa xarunta Wadnaha Fm ee magaalada Muqdisho lagu soo gabagbeyn doonaa tababar tartamayaal uga socday Wadnaha Fm.
Tababarkan la soo gabagabeyn doono ayaa waxaa ka qeyb galaya tartamayaashii nasiibka u yeeshay in ay ka soo gudbaan wareegii koowaad tartanka heesaha iyo hibada jiilka cusub.
Mudada uu socdo tababarka tartamayaasha ayaa la baray dhinacyada kala duwan ee qofka loo baahanyahay in uu iska xoojiyo,si uu u hormariyo hibadiisa faneed.
Abwaano,fanaaniin iyo khubaro dhanka fanka ah ayaa bixinaya tababarka,waxayna tartamayaasha ka soo qeyb galay tababarkaasi uga faa’ideeyeen aqoontooda faneed.
Galabta ayaa xarunta Wadnaha Fm lagu soo gabagabeyn doonaa tababarka oo ay ka qeyb galeen dhalinyaro isugu jira rag iyo dumar oo wareega labaad ee tartanka heesaha iyo hibada jiilka cusub ku tartami doona.